Xukuumadda Puntland ayaa raalli-gelin ka bixisay hadal muran badan dhaliyay oo madaxweyne,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) uu ka sheegay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag xilli uu booqasho ku joogay.
Madaxweyne Gaas oo bulshada ku boorrinayay in Al-shabaab laga sifeeyo degaannada ay kaga sugan yihiin Puntland ayaa xilligaas adeegsaday ereyo cara-dhaliyay oo ahaa”wiil ka yimid Diinsoor iyo Buurhakaba oo kaba dacas ah qaba” hadalkaas oo dad badani u fasireen in madaxweynuhu liidayo dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hase yeeshee war-saxaafadeed maanta ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in hadalka madaxweynaha ay si qaldan u turjumeen,dad raadinaya kla qeybinta bulshada Soomaaliyeed iyo in ay dhibaato ka dhex abuuraan.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in madaxweyne Gaas uu ka hadlayay Al-shabaab ee aysan sax ahayn, warka laga faafiyay ee ku aaddan, in shacabka Koonfur Galbeed madaxweynuhu u gefay.
Xukuumadda Puntland waxay raalli-gelin buuxda siisay shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed, sida lagu sheegay war-murtiyeedka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.