Nin loo gubay heybsooc guur oo lagu aasay Muqdisho

Aaska Marxuum Axmed Dowlo

Magaalada Muqdisho waxaa todobaadkii hore ka dhacay dil heybsooc guur oo loo geystay Allaha u naxariistee nin geerashle ahaa oo lagu magacaabi jiray Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo).

Axmed Dowlo oo ka soo jeeday beesha Jareer-weyn, si anxandaro ahna loo dilay ayaa sababsaday sida la sheegay wiil uu adeer u yahay oo guursaday gabar ka soo jeeda mid kamid ah beelaha ku xoogan Muqdisho.

Marxuum Axmed Dowlo

Dilka Marxuum Axmed Dowlo ayaa khamiistii la soo dhaafay ka dhacay xaafadda Towfiiq ee magaalada Muqdisho, kadib markii sida la sheegay goobtiisa shaqo ay ku soo weerareen dhowr qof oo ku hubeysnaa middiyo, baangado iyo leebooyin, iyadoo markii dambana baasiin iyo dab la qabadsiiyay.

Ka hor inta aan la dilin Marxuum Axmed Dolwo, waxaa loo soo diray hanjabaad iyo iyadoo gurigiisa lagu tuuray bam gacmeed aan khasaare geysan, sida ay sheegeen eheladiisa

Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshadu ku xiriirto aad u heystay sawiro aad looga naxo oo muujinaya jirka Marxuumka oo gubtay, waxaana dareen kala duwan ka muujiyay falkaas foosha xun dadweynaha Soomaaliyeed, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah masuuliyiinta dowladda.

Qaar kamid ah masuuliyiin dowladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin Xildhibaano ayaa soo jeediyay in aroos qaran loo sameeyo lamaanaha uu dartood u dhacay dilkan, balse dadka qaar ayaa qaba in arrintan aysan xal u noqon karin “aroos qaran” ee dowladdu soo saarto sharci wax looga qabanayo gabood-fallada noocaan ah.

Waxaa la sheegay in falkan ay u xiran yihiin dhowr qof, inkastoo dowladda Soomaaliya aysan faahfaahin ka bixin.

Marxuum Axmed Dowlo ayaa ifka uga tagey laba xaas, 12 caruur ah, iyo aabihiis oo waayeel ah, shalay ayaana lagu aasay qabuuraha magaalada Muqdisho.

Lamaane, Maxamed Cabdiraxmaan Mukhtaar iyo Ruqiya Cabdulaahi Maxamed

Lamaanaha aadka isu caashaqay ee dartood u dhacay falkan foosha xun ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdiraxmaan Mukhtaar iyo Ruqiya Cabdulaahi Maxamed.

PUNTLAND POST