Madaxweynaha Jubaland iyo xubno saraakiil ah oo Maanta booqday Baar-sanguuni

Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa maanta booqday deegaanka Baar-sanguuni oo dhawr bilood ka hor laga saaray ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa kormeeray deegaanka iyo meelaha ku dhaw oo ay ciidamada Jubbaland ka wadaan hawl-gallada kukla halday ciidamada, isagoo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii isku socodka Dadweynahu u noqon lahaayeen kuwo wanaagsan, ayna Al-shabaab ka saaraan Goobaha ay weli kaga sugan yihiin Gobollada Jubbooyinka.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu halkan u yimid si uu waqti ula qaato ciidamada maamulkiisa, una arko duruufta ay ku shaqaynayaan wuxuu xusay in niyad wanaag iyo mooraal wanaagsan uu ka muuqdo.

Kooxda Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox argagaxiso ah ayuu sheegay in lagaga guulaysan karo dagaallada haddii weerar midaysan lagu qaado, isagoo intaas ku daray inaysan jirin awood ay leeyihiin.

Deegaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 50-km dhaka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa dhawr jeer ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Deegaanka ayaa waxaa sannadkan lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Mareykanka ee Somalia ku sugan, kuwaasoo halkaas u tagay inay ka fuliyaan weerar ka dhan ah Al-shababa.

PUNTLAND POST