Qaar kamid ah haweenka beesha Garxajis ee ku nool magaalada Ceerigaabo ayaa sheegay in xukuumadda Muuse Biixi ay beegsi ku hayso ragoooda,waxaana ay taageero buuxda u muujiyeen jabhadda u hoggaamiyo Korneyl Caarre ee ku sugan qeybo kamid ah gobolkaasi.
Haweenkan oo hengel cas(Asay)madaxa ku xidhay ayaa sheegay in maamulka Muuse Biixi uu dagaal qaawan ku qaaday beesha Garxajis,islamarkaana uu amar ku bixiyay in la laayo saraakiil ciidan oo ka soo jeeda beesha,kuwaasoo horay uga goostay militariga Somaliland,kuna biiray jabhadda uu hoggaamiyo Korneyl Caarre ee la baxday”Xoreynta Somaliland”.
Haweenku waxay intaas ku dareen in ilaa lix kun oo dhalinyaro ka baxday gobolka Sanaag ay ku biireen jabadda Caarre kadib markii ay u dulqaadan waayeen dulmiga joogtada ah ee maamulka Muuse Biixi ku hayo beesha Garxajis,sida ay hadalka u dhigeen.
Sidoo kale waxay sheegeen in ay taageero buuxda u yihiin raga beeshaas u dhashay ee duurka u galay dagaalka ka dhanka ah xukuumadda Muuse Biixi,maadaama looga garaabi waayay caddaalad-darrada iyo dulmiga ay tirsanayan.
Dhinaca kale Col. Siciid Cawil Jaamac(Caarre) oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaal ay jabhaddiisu ku qaadayso xukuumadda haatan ka dhisan Somaliland oo uu ku eedeeyay in ay weerar ku qaadday garab kamid ah jabhadda oo ku sugan buuraleeyda gobolka Sanaag.
“Waxaad arki doontan in waddooyinka la mari-waayo,waxaad arki doontan in la leexsado baabuurta dowladda,waxaad arki doontan iyadoo kuwa xilka ka haya la filixsado oo la bidhaansado,waxaad arki doontan Hargeysa gudaheeda oo la mari-waayo oo laga af-duubto saraakiisha iyo wasiirada”ayuu yiri Caarre oo ka hadlayey nooca dagaal ee uu qaadi doono.
PUNTLAND POST