Soomaaliya iyo Qadar oo heshiisyo kala saxiixday

Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa kala saxiixday saddex heshiis oo sida la sheegay shaqa abuur u ah dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Marwo Sheikha Moza bint Nasser, Guddoomiyaha Golaha Xoghayeyaasha Hey’adda Silatech ayaa shalay oo Isniin ahayd goob joog ka noqday saddex heshiis oo labada dal ay ku kala saxiixdeen Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Heshiisyadan ayaa la sheegay in ay suuragelinayaan in lagu awood siiyo dhaqaale ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo la abuurayo 75,000 oo fursado shaqo ah gudaha dalka Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa Soomaaliya uga qeyb galay shirkii Qaradamada Midoobay ee New York.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo qaarkood jaamacado ka baxeen ayaa shaqo la’aan baahsan ku haysataa gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo taasi kalifto in qaarkood naftooda ku biimeeyaan tahriib.

PUNTLAND POST