Soomaaliya: Xoghaye joogto oo la magacaabay iyo mid shaqo joojin lagu sameeyay

Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaraddiisa.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa loo magacaabay Cabdicasiis Ibraahim Aadan, kaidb markii uu qaraxii Soobe ee 14 Octoober ku dhintay masuulkii xilkaas horey u hayay oo la oran jiray Abuukar Daahiye.

Dhanka kale Wasiirka batroolka iyo macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradiisa Jamaal Qaasim Mursal.

Jamaal Qaasim Mursal ayaa shada looga joojigay digreeto ku taariikheysnayd  22-kii bishan September, waxaana lagu eedeeyay wada shaqeyn la’aan, bixin sirta muhiimka ah iyo curyaamin shaqo.

PUNTLAND POST