Isbadelka lagu saameeyey Maamulka iyo Taliska Booliska Nugaal ma yahay mid la asiibay?

Madaxweynaha dawlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta digreeto xilalkii kaga qaaday Gudoomiyihii Gobalka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne iyo Taliyihii qaybta Booliska gobalka Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Faarax Warsame (Galangoole) isagoo xilalkaas u magacaabay masuuliyiin cusub.

Madaxweyne Gaas ayaa Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Nugaal u magacaabay Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gujir) halka uu taliyaha qaybta Booliska Gobalka uu si ku-meel gaar ah ugu magacaabay General Muxiyadiin Axmed Aw-muuse.

Cabdisalaan Gujir ayaa horay usoo noqday duqa caasimada Puntland markii ugu horeysay  ee ay Dawlada Puntland Golle degaan u samaysay degmooyinka, halka Muxiyadiin Axmed Aw-Muuse ciidamada Puntland kasoo qabtay xilal kala duwan sida taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska isagoo hadana ah taliyaha laanta ladagaalanka argagixisada iyo mukhaadaraaadka.

Madaxweyne Gaas ma asiibay isbadelkan?

Inkastoo su’aashan dadku qaarba si uga jawaabayaan hadana waxaa la oran karaa isbadelkani waa mid mudo la sugayey oo wakhtigiisii kasoo dib dhacay sababtoo ah Garowe oo ah magaaladda ugu weyn gobalka Nugaal mudaba waxaa ka jirey xaalado maamul xumo oo sababay amaan xumo waayadan kusoo korartay magaalada.

Duhur cad ayey bartmaha magaalada dhalinyaro abaabulan dadweynaha kaga qaadayaan mobilada iyo wixii kale ee ay sitaan, waxaa in mudo ahba magaalada faro kulul ku hayey ciidamo wata direyska ciidamada iyo dhalinyaro dharka shacabka xiran oo qoryo la dhex maraya bartmaha caasimada, kuwaas oo ah ciidamadii la isugu geeyey deegaanka Tukaraq, mana jirin maamul iyo Boolis magaaladda ka xakameeyey ciidankan hubka culus iyo midka fududba magaalada iskala soo galaaya.

Maxaa xiligan kusoo beegay isbadelka?

Dadka reer Puntland qaarba si ayey u fisireen waxa xiligan kusoo beegay isbadelka uu madaxweyne Gaas kusameeyey maamulka gobalka iyo qaybta Booliska xili mudo xilleedkii dawlada ay mudo kooban ka harsan tahay, wuxuuse isbadelkani kusoo aadey xili dhawaan Bulshadda Gobalka Nugaal kulan ay isugu yimaadeen tallo ku gaareen inay amaanka Gobalka gaar’aan caasimada Garowe isku-taagaan iyagoo aan maamul gobal, qayb Boolis iyo dawlad dhexe toona ku-tashanayn maadaamaa lagu eedeeyey inay ku guul-daraysteen shaqooyinkii loo igmaday.

Waxgaradka Garowe oo hormuud u ahaa isku-tashigan ayaa go’aansaday in magaaladda loo sameeyo boqol askari oo Boolis ah oo suga amaanka caasimada, maadaama doorashooyinkii Puntland fooda ina kusoo hayaan ayna magaalada kusoo kordheen falal aan horay looga aqoon oo amaanka ka dhan ah.

Ciidankan ayaa durba la diyaariyey waxaana laga qarameeyey ciidanka Booliska, waxayna waxgaradka magaaladu go’aan ku gaareen inay ka madax banaanadaan taliska qaybta Booliska iyo Maamulka Gobalka Nugaal.

Hadaba isbadelkan cusub ayaa u muuqada mid uu Madaxweyne Gaas kaga jawaabey wallaacii dadweynaha xili uu arkay inay shacabku ka tashanayaan inay amaankooda ku halleeyaan maamulka uu Madaxweynaha ka yahay oo ku guuldaraystay wax yaabihii dadweynuhu u igmadeen oo uu amaanku ugu horeeyey.

Arintan ayaa u muuqata tallaabo uu Dr. Gaas isku dayayo inuu kusoo celiyo kalsoonidii dadweynuhu u hayeen dawladiisa ay mudada kooban u hartay maadaama laga yaabo in uu mar kale u tartamo kursiga uu hada ku fadhiyo.

Isku soo wada duubo masuuliyiinta la magacaabay oo ah kuwo horay loo soo tijaabiyey ayaa la rajeynayaa inay wax badan ka badeli doonaan maamulka iyo nabadgelyada Gobalka Nugaal.

PUNTLAND POST