Guddoomiyihii gobolka Nugaal oo xilka laga qaaday

Digteeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo ku taariikhaysan 24 Sep 2018 ee ku beegan maanta ayaa xilka looga qaaday,guddoomiyihii gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Fara-weyne.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal u magacaabay,Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gujir) oo hore mar u soo noqday duqa degmada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Halkaan ka akhriso digreetada

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 24 Sep 2018 magcaabay Guddoomiyaha Gobola Nugaal.

Xeer Madaxweyne Lr.132 Sep 22, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Markuu la Tashaday: Madxaweyne ku xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

 

PUNTLAND POST