Waxaa dib u dhac ku yimid shirkii dhowaan uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Shirkaasi oo ahaa dhex dhexaadinta madaxda Gal-Mudug oo uu qilaaf baahsan ka dhexjiro.
Shirkaasi ayuu madaxweynuhu iclaamiyay in uu dhaco maanta oo Isniin ah 24-ka September.
Madaxda Gal-Mudug ayaa isku qilaafay ka qeeybgalka shirkaasi iyadoo madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka soo horjeeystay.
Madaxda Gal-Mudug ayaa waxaa ka dhexjira qilaaf aad u baahsan iyaga dhowaan labo xildhibaano oo kala joogo Cadaado iyo Dhuusamareeb ay xilalkii ka qaadeen madaxda sare ee maamulkaasi.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho