Dablay Askar ku dishay Bosaso oo gacanta lagu dhigay

Bosaso[Puntland Post] Ciidamada amniga ee nagaalada Bosaso ayaa soo qabtay ragii geysatay weerarkii saaka ka dhacay Boosaaso, oo lagu dilay Askar ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Amniga ayaa u xaqiijiyey Puntland Post in la qabtay Ragii dilka geystay islamarkana goordhow saxaafada soo bandhigi doonana.

Wixii ku soo kordha dib ayaa idinku soo gudbin’doonaa.