Puntland: Wasiir ka carooday mashruuc laga wareejiyay oo is-casilay

 

Wasiirka iscasilay Cali Cabdullaahi Warsame

Wasiirkii Degaanka iyo Is-beddelka Cimilada Puntland,Cali Cabdullaahi Warsame ayaa saaka xilkii uu u hayey Puntland iska casilay,kadib markii khilaaf ba’an uu ka dhex qarxay wasaaraddiisa iyo hay’adda Tamarta iyo Biyaha Puntland ee PSAWEN.

Khilaafka ayaa sida la sheegay ka bilowday mashruuc biya-xidheen ah oo xukuumadda Puntland ay ku wareejisay hay’adda PSAWEN, hase yeeshee uu wasiirku aad uga carooday,islamarkaana ku dooday in mashruucaas dib loogu soo celiyo gacantiisa, maadaama sida uu sheegay ay wasaaradda Degaanku xaq u leedahay maamulidda mashruucyada noocaas ah.

Mudane. Cali Cabdullaahi Warsame  ayaa dacwad u gudbiyay xafiiska madaxweynaha sida ay ogaatay Puntland Post, waxaana uu ka dalbaday in dib loogu soo celiyo mashruuca biya-xidheenka ee madaxtooyadu ku wareejisay hay’adda PSAWEN, laakiin madaxweyne Gaas ayaa dalabkaas diiday sida ay xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah oo la socda khilaafka labada dhinac.

Waraaqda is-casilaadda ee wasiirku soo saaray subaxnimadii hore ee saaka ayaa lagu xusay eedaymo siyaasadeysan oo inta badan si adag loogu dhaliilay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiweli Gaas.

Sidoo kale warqadda ayaa lagu caddeeyay in shaqadii wasaaradda Deegaanka lagu wareejiyay hay’ad ay madaxtooyadu naas-nuujiso, islamarkaana la musuq maasuqay mashaariic badan oo muhiim u ahaa dalka,sida qoraalka loo dhigay.

Xog hoose oo Puntland Post heshay ayaa sheegaysa mashruuca biya-xidheenka oo lacag fara badan lagu bixiyay uu wasiir Cali Cabdullaahi si gaar ah ugu xisaabtamayay,balse uu candhuuftiisa dib u liqay kadib markii madaxtooyada Puntland ku wargelisay in aan laga soo celin doonin hay’adda lagu wareejiyay ee PSAWEN.

Wasiirka is-casilay oo in mudda ah ka tirsanaa xukuumadda Gaas ayaa sida dadkii la soo shaqeeyay sheegeen,wuxuu kamid ahaa wasiirada ugu musuq maasuqa badan ee xukuumadda haatan jirta,hase yeeshee tan iyo bilowgii sanadkan ayaa waxaa cuna-qabateyn ku soo rogtay madaxtooyada Puntland oo caqisay wasaaraddiisa, islamarkaana isaga laftiisa musuq maasuq saddex-jibbaran ku samaysay.

Halkaan ka akhriso qoraalka is-casilaadda

PUNTLAND POST