Puntland: Wasiir cusub oo la magacaabay

Kadib markii uu saaka is casilay Wasiirkii deegaanka iyo isbadalka cimilada Puntland Cali Cabdullaahi Warsame ayaa saacado kadib xilkaas loo magacaabay Wasiir cusub.

Digreeto maanta ka soo baxday madaxtooyada Puntland ayaa Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye loogu magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimilada Puntland.

Wasiirka cusub ee deegaanka iyo isbadalka cimilada Puntland Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye ayaa mar kamid noqday golaha deegaanka Gaalkacyo, sidoo kalana soo noqday maareeyaha shirkadda Golis ee Gaalkacyo.

Hoos ka akhriso digreetada

Xeer Madaxweyne Lr.131 Sep 22, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadlka Cimilada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Markuu la Tashaday: Madxaweyne ku xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada

2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

PUNTLAND POST