Madaxweyne Waare Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Hiiraan

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha  Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow),isagoo u magacaabay Guddoomiye cusub.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa loo magacaabay in uu noqdo Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed),kaas oo bedelaya guddoomiyihii xilka qaadista lagu sameeyay ee Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).

Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) ayaa waxa uu xilka Gobolka Hiiraan haayay muddo Shan bilood ah.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post