Madaxweynaha Galmudug oo ka hor-jeestay Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo


Muqdisho (PP) ─
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf], ayaa kasoo horjeestay shir uu dhawaan madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi ku baaqay inuu Muqisho ka dhacayo 24-ka bishaan lagu jiro ee September.

Shirkan ayaa ahaa mid la doonayay in lagu dhex-dhexaadiyo madaxda Gal-mudug uu muran xooggan oo keenay inay xilalka iska qaadaan soo dhex-galay, balse Madaxweyne Xaaf oo la sheegay in xilka laga qaaday ayaa ku adkeysanaya inuusan jirin muran u dhexeeya madaxda Galmudug.

“Ma jiro tan iyo wixii ka dambeeyay 18-kii bishaa khilaaf u dhexeeyay madaxda sare ee dowlad-goboleedka Galmudug,” ayuu yiri Xaaf oo intaas ku daray inaanay Galmudug u baahnayn in fara-gelin lagu sameeyo hawlaheeda.

War-saxaafadeed kasoo baxay xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa lagu xusay in shirka uu ku baaqay Farmaajo uu yahay mid lagu faragelinyo arrimaha u gaarka ah maamulka Galmudug, iyaguna aysan u dul-qaadan doonin.

Ugu dambeyn, Magaalooyinka Dhuuso-mareeb iyo Cadaado oo ay Galmudug ku hawl-gasho ayaa waxaa toddobaadyadii lasoo dhaafay ka socday kulamo kala duwan oo xilalka looga qaaday qaar ka mid ah hoggaanka Galmudug.

Haddaba, DHAGEYSO: War-saxaafadeedka laga soo saaray Madaxtooyada Galmudug;

PUNTLAND POST