Haweeneey Muqdisho ugu geeriyootay Sun ay cabtay

Haweeneey kamid aheyd dadka dagan degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho ayaa u geeriyootay sun ay cabtay.

Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Juungal degmada Yaaqshid ee Magaalada Muqdisho.

Shukri Cabdullaahi Raageoo aheyd hooyo dhashay hal gabar ah ayaa cabtay sun kadibna ay u geeriyootay.

Ehelada Shukri oo aan la xariirnay ayaa sheegay in Shukri ay baryihii ugu dambeeysay ay ka careysneyd gabadha ay dhashay oo si xoog ah ay uga qaateen qooyska gabadha.

Shukri ayaa ka hor inta aanay is dilin weeyso qaadatay Tukatay kadibna cabtay Sunta sidaasina ay ugu geeriyootay sida ay ehelada qooyska marxuumad Shukri inoo sheegeen.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa baryihii ugu dambeeysay waxaa ka dhacayay falal aad looga argagaxo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho