Xildhibaanada Baarlamaanka oo kulan ku leh Muqdisho

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah kulan ku leh xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa loo diray fariimo lagu wargalinayo in uu jiro kulanka Baarlamaanka maanta oo sabti ah.

Xildhibaanada ayaa ka doodi doono dib u eegista xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya uu ku shaqeeyo.

Amaanka xarunta Golaha Shacabka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la xeray wadooyinka hormara xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dhowaan Muqdisho 3 maalin oo dood adag ah ka yeeshay xaalada amniga.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho