Mareykanka oo sheegay inay tiro Al-shabaab ku dileen Hawlgal ay ka fuliyeen Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Taliska cidamada Mareykanka ee ku sugan Afrika ee AFRICOM, ayaa sheegay in 18-dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen weerar ay ciidamadooda iyo kuwa Soomaaliya ka fuliyeen deegaan ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada AFRICOM, Nate Herring ayaa sheegay inaysan kasoo gaarin dhimasho iyo dhaawac ciidanka weerarka fuliyay, iyadoo afhayeenku uu sheegay inay beegsadeen gaadiid ay la socdeen Al-shabaab, ayna halkaa khasaare ugu geysteen.

“Waxaan beegsannay Jimcihii shalay gaadiid ay wateen Al-shabaab, waxaana ku dilnay 18 ka mid ah xoogaggii la socday, mana jiraan khasaare naga soo gaaray intii uu weerarku socday,” ayuu yiri Nate Herring.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in weerarkan uu ka dhacay deegaan 31-km kaga beegan dhanka waqooyi-galbeed magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Waxay kaloo sheegeen inay jiraan laba dagaalyahan oo ciidamada DF ay ku dileen toogasho toos ah, inkastoo aan laga bixin faahfaahin dheeri ah.

Dowladda Federaalka Somalia ayaan weli wax faahfaahin ka bixin hawlgalka la sheegay in lagu dilay xubnaha ka tirsan Kooxda Al-shabaab ee ka dhacay Koonfurta Somalia, sidoo kalena kooxdu kama aysan hadlin.

Xukuumadda Washington ayaa Al-shabaab la beegsatay labaatan duqeyn oo cirka ah inta lagu jiray sannadkan, kuwaasoo kooxda xiriirka la leh Ururka Al-Qaacida loogu geystay khasaare fara badan.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa horay u sheegay inay kordhin doonaan duqeymaha lala beegsado AL-shabaab, si loo hortago weerarrada ay a geysanayaan Somalia iyo dalalka kale ee Geeska Afrika, inkastoo aan weli lagu guuleysan in la xakameeyo awoodda kooxdan.

Tan iyo markii Mareykanku kordhiyay weerrarada ka dhanka ah Al-shabaab ee Somalia ayaa waxaa Mareykanka looga dilay gudaha Somalia laba askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee Somaila ku sugan, si ay gacan uga siiyaan Dowladda Somalia dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa duqeymaha uu Mareykanku ka geysanayo Somalia waxaa looga dilay tiro hoggaamiyeyaal iyo ciidammo isugu jira oo uu ka mid ahaa Hoggaamiyihii hore ee Kooxda Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaannay C/raxmaan Abuu-Zubeyr.

PUNTLAND POST