Madaxweyne Gaas oo Guddi u magacaabay dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil

Cabdiwali Gaas, Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Guddi u magacaabay xalinta dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Guddiga uu Madaxweyne Gaas u magacaabay geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa ka kooban siddeed xubnood, oo uu Guddoomiye u yahay Garaad Cabdulaahi Cali Ciid.

AUN Marxuum Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa shalay ku dhintay shil ka dhacay inta u dhaxeysa Hadaaftimo iyo Badhan, xili uu ka qeyb gali lahaa casumaad beeshiisu u sameysay Madaxweyne Gaas.

Marxuumka ayaa shalay galinkii dambe aas qaran loogu sameeyay magaalada Badhan, waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Puntland iyo wafdigii la socday, isimo iyo boqolaal dadweyne ah.

Madaxweyne Gaas iyo wafdigiisa oo shalay ka soo ambabixi lahaa Badhan ayaa u baaqday dhacdadaas.

Hooska ka akhriso digreetada Madaxweyne Gaas ku magacaabay Guddiga

Xeer Madaxweyne Lr.199 ee Sep 22, 2018, kuna saabsan Xalinta Dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Madaxweynuhu Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu la Tashaday: Isimadda iyo Waxgaradka Gobolka Sanaag

Markuu Garwaaqsaday: In loo baahan yahay in xal degdeg ah laga gaaro dhacdadaas

Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay guddiga hoos ku qoran oo ah xalinta dhacdadii geeridii Suldaan Xasan Cali Jibriil waxayna kala yihiin:

  1. Garaad Cabdulaahi Cali Ciid (Guddoomiye)
  2. Suldaan Ciise Maxamed Ciise
  3. Suldaan Axmed Bashiir Ducaale
  4. Islaan Xuseen Xaaji Cabdisalaam
  5. Maxamuud Maxamed Ducaale (Xoghayn)
  6. Sheekh Cabdulaahi Maclin Xasan (Qudubi)
  7. Sheekh Siciid Cusmaan Cali
  8. Nabadoon Siciid Cusmaan Cali

Xeerkani waxa uu dhaqan galayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

 PUNTLAND POST