FAAHFAAHIN ku Saabsan Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho iyo Khasaarihii ay Geysteen

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay afar qof oo kalena way ku dhaawacmeen laba qarax oo mar qura galabta ka dhacay isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho, Qaraxyadan ayaa ahaa kuwo lagu soo xiray gaadiidka qarxay.

Mid ka mid ah labada baabuur ee Qarxay ayaa waxaa la sheegay inuu lahaa Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah barayaasha jaamacadaha Muqdisho, waxaana la sheegay inuu watay walaalkiis oo lagu magacaabi jiray Cumar Sheekh Caamir oo ku dhintay qaraxa gaarigii uu watay haleelay, kaasoo si lama filaan ah uga dhacay bartamaha isgoyska Dabka.

Goobjoogayaal ku sugna goobta uu qaraxan ka dhacay ayaa sheegay inay mar keliya maqleen jug xoog leh, ayna arkeen gaari nooca Land Cruiser-ka ah oo goobta ku gubanaya, waxayna sheegeen inaysan jirin khasaare kale oo uu geystay.

Sidoo kale, Gaariga labaad ayaa isagana ku qarxay meel aan ka fogeyn is-goyska Dabka ee Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay wadihii gaarigaas iyo saddex qof oo kale oo shacab ah, kuwasoo marayay goobtaas.

“Baabuur waddada marayay ayaa mar qura qarxay, waan argagay markii aan eegay goobta waxaan arkay gaari gubanaya iyo dhawr qof oo dhaawac qaba, kuwaasoo cararayay qaarkood,” ayuu yiri goobjooge Nuur Xuseen ku soo koobay magaciisa.

Prof. Yaxye Sheekh Caamir ayaa wuxuu ka mid yahay aqoonyahannada aan dalka ka bixin, wuxuuna muddo fog macallin dhaqaalaha dhiga ka ahaa qaar ka mid ah jaamacadaha dalka, lama oga in qaraxa gaarigiisa loogu xiray la doonayay in isaga lagu dilo iyo in kale.

Dhanka kale, Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka ay qaraxyadu ka dhaceen, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxyadan, waxaana gaadiidka dabka la dagaalama ay dambiyeen gaadiidka qarxay oo uu dab xoog leh qabsaday.

Ugu dambeyn, Qaraxyadan ayaa waxay imaanayaa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay Muqdihso ka dhacayeen dilal qorsheysan oo loo geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, inkastoo dilalaksaas loo qab-qabtay dhawr qof sida ay sheegeen saraakiisha booliiska Soomaaliya.

PUNTLAND POST