Dowlada Soomaaliya oo Tacsi u dirtay Dalka Tanzania

Qoraal ay soo saartay wasaarada arimaha Dibada ee Soomaaliya ayaa loogu tacsiyeeyay shacabka dalka Tanzania oo dooni tagtay dad badan oo Tanzanian ah ay ku dhinteen.

Qoraalkaan ka soo baxay wasaarada arimaha Dibada ee Soomaaliya ayaa u qornaa Sidatan:-

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa Xukuumadda iyo Shacabka saaxiibka ah ee Tanzania kadib markii doonida magaceedu yahay MV Nyerere ku degtay harada Victoria iyadoo siday boqolaal rakaab ah, waxaana ku geeriyooday dad ka badan 100 ruux, halka kuwa kale la la’yahay.

”Fekerkayaga iyo garab-galkeena waa mid la socda qoysaska iyo shakhsiyaadka dhacdadan naxdinta leh ay ku yeelatay saameyn”.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho