Kooxo hubeysan oo Gabar Ardayad ahayd ku dhex dilay Jaamacad ay wax ka baranaysay


Muqdisho (PP) ─
Kooxo dalbey ah ayaa ku dhex-dilay fasal ay wax ku baranaysay gabar dhalliyaro ah oo lagu magaaabi jiray Aamino Xasan Xuseen, iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah eek a dambeysa dilka gabadhan.

Dilkan ayaa wuxuu ka dhacay gudaha Jaamacadda Soomaaliya ee UNISO loo yaqaan, gaar ahaan xarunteeda xaafadda Baar-ubax ee degmada Hawl-wadaag, waxaana dilkan uu dhacay duhurnimadii maanta.

Goobjoogayaal ku suganaa Jaamacadda UNISO ayaa warbaahinta u sheegay in kooxda dilka geystay ay si toos ah u abbaareen fasalka ay gabadhani wax ku baranaysay ayna iyada oo keliya toogteen, waxaana ay u muuqataa inay ahaayeen rag watay macluumaad dhameystiran.

“Dilku wuxuu dhacay markii laga soo laabtay nasasho ay ardaydu ku qaateen dibadda fasalladooda, kooxaha hubeysanna waxay si toos ah u toogteen Aamino, iyagoo dhawr xabbadood ku dhuftay illaa ay goobta ku naf-baxaysay,” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah ardaydii ay isku fasalka ahaayeen oo aragagaxsan.

Qaar ka mid ah maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in gabadhan la dilay ay baranaysay kuliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, isla markaana aysan garanayn sababta loo dilay.

Sidoo kale Maamulka iyo Ardayda ayaa sheegay in gabadhu ay ku jirtay sannadkii ugu dambeeyay ee waxbarashadeeda, isla markaana aysan weligood ku arag wax dihbaato ah ama dad ay is-haystaan.

Ciidammo ka tirsan kwua Amniga Dowladda Federaalka Somalia ayaa tagay Jaamacadda uu dilku ka dhex-dhacay, waxayna sameeyeen baaritaanno ku aaddan sida ay wax u dhaceen, lama soo sheegin falkan dilka ah ciidamada dad ay u soo qabteen.

Dhanka kale, Falkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo 18-kii bishan aan ku jirno uu askari ilaalo u ahaa Jen. Sheegow uu Muqdisho ku toogtay gabar 9-jir ahayd oo dhiganeysay Dugsiga Hoose ee Iskuulka Hoyga Xamar, iyadoo saaran gaariga iskuulka.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay afar ruux u xirtay dilka gabadha yar ee sagaal jirka ahayd, balse waxaa laga doonayaa inay sidoo kale tallaabo sharciga waafaqsan ka qaaddo kooxihii maanta geystay dilka loo geystay gabadha ardayadda ahayd.

PUNTLAND POST