Al-shabaab oo la shaaciyay inuu Weli halis weyn ku yahay ammaanka Kenya

Nairobi (PP) ─ Warbixin ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ah ee ka faalloota xasaradaha iyo khilaafyada, ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay weli halis weyn ku tahay Amniga Dalka Kenya, Shan sano kadib weerarkii Westgate Mall.

Warbixinta ayaa waxaa cinwaan looga dhigay ‘Al-shabaab shan sano kaddib Weerarkii Westgate, weli waa halis ka taagan Geeska Afrika’, waxaaa lagu sheegay warbixinta in Al-shabaab beddeshay Xeeladihii ay horay u adeegsan jirtay weerarrada ay ka geystaan Gudaha dalka Kenya.

Tan iyo sannadkii 2015-kii, Al-shabaab waxay xoogga saartay sidii ay uga qoran lahayd dhallinyaro badan dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi-bari iyo gobolka xeebta ah ee Lamu sida ay tilmameyso warbixinta.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa isku dayay in ay dad taabacsan ku yeelato gobollada Waqooyiga iyo Bartamaha dalka Kenya, iyadoo diiradda saareysa dhallinyaro horay u ahaa masiixiyiin, laakiinse qaatay diinta Islaamka.

Warbixinta waxaa lagu xusay in Al-shabaab weerarradeeda xooggooda ay ka geystaan Soohdinta u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya, siiba Qaraxyada lala eegto gawaarida ay leeyihiin dadka u dhashay Kenya, gaar ahaan ciidamada iyo shaqaalaha, iyadoo dhinaca kale lagu sheegay warbixinta in Al-shabaab ay xulafaysi la samaysay koox ka dagaallanta gobolka Pwani ee Tanzania oo xad la leh waddanka Kenya.

Dhanka kale, Weerarkii ay Al-shabaab ku qaaddday Westgate Mall oo ah suuq laga adeegto oo ku yaalla Magaalada Nairobi oo dhacay 21-kii bishii September ee sannadkii 2013-kii, waxaana ku dhintay 71-qof oo 62 ka mid ah ay ahaayeen rayid, shan kalena ay ahaayeen ciidanka Kenya halka afarta hartay ay ahaayeen raggii weerarka qaaday.

Ugu dambeyn, Ku dhawaad 200-ruux ayaa lasoo wariyay inay dhaawacyo kasoo gaareen toogasho iyo dagaal dhex-maray ciidamda Kenya iyo raggii hubeysnaa ee xaruntaas weeraray.

PUNTLAND POST