Somaliland oo safarka Madaxweyne Gaas ee Sanaag ku eedeysay Farmaajo

Muuse Biixi iyo ku xigeenkiisa

Shir ay maanta Hargeysa ku yeesheen xukuumadda Somaliland oo uu shir gudoominayey Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo ku xi geenkiisa ayaa looga hadlay safarka Madaxweyne Gaas ee gobolka Sanaag.

Xukuumadda Somaliland ayaa safarka Madaxweyne Cabdiwali Gaas ee gobolka Sanaag ku eedeesay xukuumadda Soomaaliya oo ay sheegtay in ay food-saare ka soo dhiganayso Puntland, waxayna intaas ku dartay in Madaxweyne Farmaajo ay ka go’an tahay in dagaal lagu qaado Somaliland.

Sidoo kale Somaliland ayaa shirkaas ku sheegtay in ay aqbashay dhexdhexaadintii IGAD, AU-da iyo wakiilka UN-ta Soomaaliya u jooga oo ahayd in colaadda Tukaraq la joojiyo oo maxaabiista la kala beddesho ay wada-hadlaan Somaliland iyo Puntland.

Sidaan oo kale shalay Madaxweyne ku xigaaneka Somaliland iyo xisbiyada mucaanadku ayaa shir ay qabteen ku cambaareeyay safarka Madaxweyne Gaas ku marayo gobolka Sanaag.

Puntland iyo Somaliland ayaa inta badan ku murma gacan ku heynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, wuxuuna  mid walbaa cambaareeyaa marka madax ka tirsan kan kale ay booqdaan goboladaas.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Somaliland

  1. Somaliland waxa ay aaminsan tahay nabadgelyada iyo deggenaanshaha gobolka geeska Afrika, waxayna kasoo horjeeddaa colaad iyo khal-khal nabadgelyo-darro oo ka dhaca gobolka.
  2. Soomaaliya waxa ay kusoo xad-gudubtay Somaliland, iyada oo food-saare ka dhiganaysa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, sidaynu ognahay sannadkan horraantiisii waxa yimi gobolka Badhan wasiir Federaal ah oo horseeday iska hor-imaatin ciidan oo dhiig ku daatay.
  3. Somaliland waxa ay aqbashay dhexdhexaadintii IGAD, AU-da iyo wakiilka UN-ta Soomaaliya u jooga oo ahayd in colaadda la joojiyo oo maxaabiista la kala beddesho oo ay wada-hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya, hase yeeshee, waxa caddaatay in dawladda Farmaajo ay ka go’an tahay inay dagaal joogto ah kusoo qaaddo Somaliland, iyada oo dabada ka riixaysa maamulka Puntland. Imaatinka Cabdiweli gaas ee Badhan waxa uu qeexayaa faro-gelin qaawan oo siyaasadeed iyo joogtaynta colaad Somaliland ka dhan ah, sidaa daraadeed Somaliland waxa ay go’aansatay in dalkeeda, dadkeeda iyo qaran-nimadeedaba ay difaacayso.
  4. Waxannu u sheegaynaa Soomaaliya in Somaliland ay si waafi ah uga fal-celin doonto xad-gudubkaa aad ka badheedheen.

PUNTLAND POST