Shirka Khamiislaha ee golaha Wasiirada Puntland oo maanta ka dhacaya Badhan

Waxaa maanta magaaladda Badhan ee Gobalka Sanaag lagu qabanayaa shirka gollaha wasiiradda Dawlada Puntland oo uu shir gudoomin doono Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Halka uu ka dhici doono shirka Gollaha Wasiirada PL ee Magaalada Badha– Xaquuq Sawirka Dabarani

Shirka gollaha wasiiradda oo ay noqon doonto markii ugu horeysay ee uu ka dhaco magaaladda Badhan ayaa looga doodi doonaa shaqooyinkii caadiga ahaa ee wasiiradda Puntland ka doodi jireen todobaadkiiba hal mar.

Inta badan gollaha wasiiradda Dawlada Puntland ayaa ku sugan magaaladda Badhan oo uu shalay gaaray Madaxweyne Gaas iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminaayey, sidoo kale waxaa magaaladaas ku sugan in ka badan 20-xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Dawlada Puntland.

Isla magaaladda Badhan waxaa ka dhici  doona shirka gudiga joogtada ah ee baarlamaanka Puntland, maadamada ay magaaladaas ku sugan yihiin gudigii joogtada ahaa ee Baarlamaanka.

Dadka reer Sanaag ayaa siweyn usoo dhaweeyey booqashada uu Dr Gaas ku tegey Gobalkaas, waana markii ugu horeysay oo wafti heerkan ahi uu gaaro magaaladda Badhan inta la xasuusan yahay.

PUNTLAND POST