Gaas oo booqday qabriga Daarood Ismaaciil

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo booqasho ku jooga gobolka Sanaag ayaa maanta booqday qabuurta Daarood Ismaaciil iyo xaaskiisii Doonbiro Dir oo ku aasan deegaanka Haylaan ee gobolkaas.

Booqashada Madaxweyne Gaas ee qabuurta Daarood Ismaaciil iyo Doonbiro Dir waxaa ku wehelinayey qaar kamida golihiisa wasiirada, saraakiil ka tirsan madaxtooyada, nabadoono iyo qaar kamida waxagardka Sanaag.

Madaxweynaha Puntland ayaa markii hore booqday qabriga Daarood Ismaaciil, waxaana halkaas kusoo dhoweeyay qaar kamida culumada gacanta ku haysa qabriga, iyagoo uga xog waramay xalada deegaanka. sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa booqday qabriga Doonbiro Dir oo ku aasan meelĀ  ku dhow kan Daarood.

Allaha una-xariistee Daarood Ismaaciil iyo Doonbiro Dir waxaa ka farcamay qaar kamida Soomaalida ku nool daafaha dunida.

PUNTLAND POST