Wariye lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in koox ku hubeysan tooreey ay weerareen mid kamid ah wariyaasha Gobolka Mudug.

Kooxdaasi ayaa tooreeyay Cabdirisaaq Siciid Cismaan oo kamid ahaa wariyaasha ka howlgala magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug gaar ahaan Idaacada Codka Nabada.

Wariyaha ayaa dhaawac culus ka soo gaaray falkaasi isaga oo ugu dambeeyntiina u geeriyooday.

Wariyaasha Gobolka Mudug ayaa falkaasi aad u cambaareeyay iyaga oo codsaday in gacanta lagu soo dhigo kooxihii falkaasi ka dambeeyay.

Wali Taliska Puntland kama hadlin arintaasi lagu dilay Wariyaha.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post