Qaban-qaabadii ugu danbaysay ee soo dhawaynta Madaxweynaha Puntland oo ka socota Gobalka Sanaag

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiwali Gaas ayaa maanta kusii jeeda Gobalka Sanaag, waxaana siweyn soo dhawayntiisa looga dareemayaa degaanada uu booqanaayo ee gobalkaas, iyadoo lagu wado inuu Madaxweynuhu tago magaalada Badhan wuxuuna sii mari doono degaano kale oo ay kamid yihiin Ceel-daahir, Cawsane iyo Midigale.

Mid kamida sawirada lagu soo dhaweynaayo Madaxweyne Gaas Magaalada Badhan

Degaanadu uu sii marii doono Madaxweynuhu ayaa siweyn looga dareemayaa qaban-qaabada loogu jiro soo dhawayntiisa, wuxuuna saakadii horeba ka ambabaxay magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar.

Sawirada Dr Gaas ayaa la dhigay faras magaalaha magaalada Badhan, waxaana halkaas uga sii horeeyey wafti katirsan Dawladiisa oo kasoo jeeda gobalkaas si ay usii diyaariyaan soo dhawaynta Madaxweynaha.

Cabdiwali Gaas ayaa Magaalada Badhan booqday xiligii uu ku jirey ololaha doorashada dabayaaqadii 2013, waxayna booqashadiisana kusoo aadaysa xili siweyn Puntland looga dareemaayo diyaargarowga doorashada bilowga sanadka soosocda ka dhici doonta Puntland, waxaana la rajeynayaa in Madaxweyne Gaas mudada uu joogo magaalada Badhan inuu xariga ka jari doono mashaariic ay Dawlada Puntland ka fulisey degaankaas oo ay kamid tahay Jaamacada Maakhir.

PUNTLAND POST