Madaxweyne Gaas oo haatan gaaray degmada Badhan

Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa haatan gaaray magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa  Badhan si diirran ugu soo dhoweeyay,xubno ka tirsan golayaasha Puntland oo halkaasi maalmo ka hor gaaray,maamulka gobolka Sanaag,kan degmada Badhan,isimo,culimaa’udiin,ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmadaasi.

Tebinta tooska ah ee warbaahinta goobta ku sugan ayaa lag arkayaa madaxweynaha oo bartanka ugu jira boqollaal dadweynaha  oo ruxaya calanka Puntland iyo kan jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dadweynaha ayaa ku dhawaaqaya ereyo ay ku muujinayan soo dhoweynta wefdiga madaxweynaha.

Wefdiga ayaa daqiiqado kadib  loo galbinaya gudaha magaalada,waxaana la filayaa in madaxweynuhu halkaasi saxaafadda kula hadlo,kana warbixiyo socdaalkiisa degmada Badhan.

Faahfaahinta kala soco:Puntland post