Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan

Madaxweynaha Puntland iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa markii ay soo gaadheen magaala madaxda gobolka Sanaa gee degmada Badhan, waxaa kusoo dhoweeyey maamuulka gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, masuuliyiin ka tirsan geleyaasha dawladda Puntland, ururada bulshada rayid ka ah, isimo, waxgarad, nabadoono, siyaasiyiin aqoonyahano, bahda wax barashada degmada iyo dhammaan shacabka magaalada Badhan.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Qasrigiisa kuyaalla degmada Badhan ku booqday Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire, halkaasi oo uu Madaxweynaha ugu soodhoweeyey si habmaamuuskeedu sareeyo.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire ayaa kusoo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa degmada Badhan iyo guud ahaaba gobolka, waxaana uu xusay suldaanku in maanta ay tahay maalin tariikhi ah gashay baal dahab ah.

‘’Maanta waxay inoo tahay maalin tariikhi ah oo aannu kusoo dhoweynayno Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa, waxay soo booqdeen dalkiisa iyo dadkiisa isaga oo balan qaaday mashaariic badan berigu musharaxa ahaa, waxaan marag ka nahay inay fuleen uuna maanta u yimid midha dhalkooda, soomaaliya ninkii ugu horeeyey oo wax la taaban karo qabta waa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas” Ayuu yiri Suldaanku.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si guud ugu mahadnaqay shacabka reer Sanaag soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayey, sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntlnad ayaa shacabka degmada Badhan uga mahadceliyey soodhoweyntooda qiyaas la’aanta ah ee wanaaggu ku dheehan yahay. 

PUNTLAND POST