Isimada Nugaal oo go’aamiyay in aan cidna loo raacan karin mooryaan la dilay

Nabaddoonada,cuqaasha iyo isimada gobolka Nugaal ayaa maanta qalin midaysan ku saxiixay heshiis hay’adaha amniga dowladda Puntland u saamaxaya in halkiisa lagu dilo  qofkii lagu qabto fal-danbiyeed ka dhan ah amniga caasimadda Garoowe iyo guud ahaan degaannada kale ee gobolka Nugaal.

Heshiis ka kooban 20 qodob oo cuqaasha,nabaddoonada iyo isimada gobolka Nugaal ay maanta ku saxiixeen magaalada Garoowe,kuna saabsanaa sugidda amniga iyo la-dagaallanka mooryaanta dhaca hantida shacabka,ayaa lagu go’aamiyay in hay’adaha amnigu tallaabooyin adag ka qaadan,dadka caadaystay dhaca hantida iyo boobka dhulka.

Sidoo kale qodobka ugu muhiimsan heshiiskan ayaa dhigaya”in aan cidna loo raacan Karin” qofkii dhaawac ama dhimasho ay ciidamada dowladdu u geystaan isagoo faraha kula jira fal-danbiyeed ka dhan ah amniga Garoowe iyo guud ahaan gobolka Nugaal,sidaasi darteedna”aan wax magdhow ah lagu lahayn”.

Heshiiskan oo ay saxiixeen dhammaan  nabaddoonada iyo isimada beelaha gobolka Nugaal ayaa  lagu xoojinaya xasiloonida iyo amniga caasimadda dowladda Puntland ee Garoowe iyo degaannada kale ee gobolka,sida madasha laga sheegay.

Munaasabadda lagu saxiixay heshiiska ayaa waxaa goob-joog ahaa saraakiil ka socotay hay’adaha amniga,guddoomiyaha gobolka Nugaal,duqa degmada Garoowe,mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda iyo isimo uu hormuud u yahay Islaan Ciise Islaan Maxamed.

PUNTLAND POST