Hirshabeelle oo shaacisay in ay la heshiisay Federaalka

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle,Maxamed Cabdi Waare  ayaa lagu sheegay in madaxda Hirshabeelle iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka heshiiyeen tabashooyinkii jiray,islamarkaana maamulku uu si buuxda ula shaqeynayo Villa Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne waare ayaa madaxda Federaalka ugu baaqay in ay wada-hadal la furan dowlad goboleedyada kale ee dalka ka jira,wuxuuna ballan qaaday in uu arrintaasi gacan ka geysan doono.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa guddoomiye ku xigeen ka ah;golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka oo xilligaan khilaaf ba’an kala dhexeeyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya,kadib markii madaxda dowlad goboleedyadu ay xiriirka u jareen dowladda dhexe oo ay ku eedeeyeen in ay fara-gelin qaawan ku hayso qaar kamid ah maamulladooda.

Laakiin lama oga sababta madaxweyne Waare ku doortay in uu buriyo qodobadii ka soo baxay shirkii madasha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ee magaalada Kismaayo,kaas oo xiriirka loogu jaray xukuumadda dhexe.

Hirshabeelle ayaa ah maamulka keliyah ee aan wakhtigaan wax doorasho ah ku soo dhoweyn,halka madaxda kale ee dowlad goboleedyada qaar ay wajahayan doorashooyinka madaxtinimada oo xilligeeda waxyar ka haray.

PUNTLAND POST