Golaha Iskaashiga Dowlad-goboleedyada oo ka Jawaabay Heshiiskii Hir-shabeelle iyo DF


Muqdisho (PP) ─
Golaha Islaashiga Dowlad-goboleedyada Somalia ayaa ka soo saaray jawaab deg-deg ah mowqifkii maamul-goboleedka Hirshabeelle uu uga laabtay go’aankii maamul-goboleedyada ee Kismaayo lagu saxiixay, kaasoo xiriirka loogu jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in heshiiska dhex-maray maamulka Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya uusan ahayn mid quseeya Golaha, isla markaana uusan waxba ka beddeli doonin go’aankii maamul-goboleedyadu ay kasoo saareen shirkoodii Kismaayo.

Sidoo kale, Waxaa lagu sheegay Qoraalka Golaha Maamul-gobleedyada in Hirshabeelle u madax-bannaan tahay go’aan ka gaarista masiirka dowladeed iyo midda ummadeed.

Dhanka kale, Golaha Iskaashiga Dowlad-goboleedyada dalka ayaa xusay in  is-af-garan-waaga ka dhaxeeya Dowlad-goboleedyada iyo Dowladda dhexe ee Somalia uu yahay mid ku saabsan amniga guud ee Qaranka, Arrimaha Federaaleynta, dib-u-eegista Dastuurka, kheyraadka iyo awood qaybsiga dalka iyo arrimo kale.

Ugu dambeyn, Madaxweyaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shirkii jaraa’id ee uu Muqdisho ku qabtay ku sheegay inaysan aqbalayn in Hirshabelle ay u burburto dano siyaasadeed oo iska soo horjeed ah.

AKHRISO: War-murtiyeed kasoo baxay Golaha Dowlad-goboleedyada;

PUNTLAND POST