Puntland: Musharrixiin ka digay in wax la maroorsado

Qoraal ka soo baxay koox musharrixiin ah oo u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland ee sannadka 2019 ayaa looga hadlay,magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka ka yimaada,xulista xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Puntland.

Kooxdan musharrixiinta ah oo ku bahoobay magaca Puntland Focus Group,ayaa qoraalkooda ku xusay talooyin ku saabsan,magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka,waxaana ay soo jeediyeen in wada-tashi ballaaran laga yeesho xubnaha noqonaya guddigaasi.

Musharrixiinta la baxay Puntland Focus Group,waxay ku wargeliyeen dhammaan qeybaha ay khusayso,in xubnaha loo magacaabayo guddiga xallinta khilaafaadka ay ku yimaadaan,hab ku salaysan caddaalad iyo sinnaan ah,islamarkaana ka madax-bannaan yihiin siyaasad iyo daneysi-kooxeed,si loo helo kalsooni ku wajahan xulista xildhibaannada cusub ee Puntland.

Sidoo kale kooxda aya soo jeedisay, in xubnaha guddigaasi ay noqdaan dad bulshada magac iyo sharaf ku dhex leh,oo lagu qanci karo go’aannadooda ku aaddan,kala saarista shakhsiyaadka ku loollamaya,helista kuraasta xildhibaannimo ee Baarlamanka cusub.

Hadalka kooxdan ayaa ku soo beegmay,xilli aan weli la magacaabin guddiga xallinta khilaafaadka ee xulista xildhibaannada cusub ee Puntland. Guddigaas oo shaqadoodu tahay,soo saarista shakhsiga saxda ah ee mudan kuraasta lagu murmo.

Musharrixiinta qoraalkan soo saaray oo gaaraya ilaa 11 musharrax ayaa kala ah;Cabdi Faarax Saciid(Juxaa),
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale),Cali Xaaji Warsame,Faarax Cali Shire,Jamiila Saciid Muuse,Xaaji Maxamed Yaasin Ismaaciil,Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa),Khalif Ciise Mudan,Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne), Saciid Cabdullahi Deni iyo Maxamed Salaad Cali (Qoryooley).

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar