Mashruuc kale oo uu Midowga Yurub ka hirgelin lahaa Puntland oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaaf xoogan ayaa ka dhex qarxay Wasaaradda degaanka iyo isbadelka cimiladda iyo Hay’adda biyaha, Tamarta iyo khayraadka dabiiciga Dawlada Puntland ee PASSWEYN markii ay isku qabsadeen mashruuc biyo xireeno ah oo uu midowga Yurub ka fulinaayo degaanada Puntland.

Qoraal ay soo saartay Hay’adda PSSAWEYN ayaa lagaga codsaday hay’adda fulinaysa mashruucan ee GIZ inay joojiso mashruucaas maadama ay wasaaradda degaanku doonayso inay si sharci daro ah ku fuliso mashruucaas, waxayna hay’adani sheegtay inay iyadu xaq u leedahay fulinta mashaariicda noocana.

Mashruucan uu degaanadda Puntland ka hirgelinaayo midowga Yurub ayaa ku lammaansanaa mashruucii fashilmay ee dhismaha wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacayo.

Xildhibaan Cabdikariim Shaacuur oo ka hadlay khilaafka Wasaaradda Degaanka iyo Hay’adda PSSAWEYN ayaa Madaxweynaha Puntland Cabdwal Gaas ku eedeeyey inuu isagu ka dambeeyo khilaafkan uuna hay’adda PSSAWEYN ka gacan siiyey inay qorto qoraalkan lagu codsanaayo joojinta mashruuca, xildhibaanka ayaa ku eedeyey Madaxweyne Gaas inuu doonaayo in la masuq-maasuqo mashruucan sida ka dhacday wadada Garowe iyo Galkacayo waa sida uu yiriye.

Siday doontaba ha ahaate mashruucan oo ku kici lahaa ku dhawaad labba milyan oo doolar ayaa u muuqda mid fashil qarka u saaran maadama ay hirgelintiisa ku muransan yihiin labba hay’adood oo Dowli ah, mana muuqato dadaal ay xukuumadda Madaxweyne Gaas ku xalinayso khilaafka taagan.

PUNTLAND POST