Dowlad goboleedyada oo federaalka ku eedeeyay faragalin

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa markale soo saaray war-murteed ka kooban todoba qodob oo ay kaga hadleen inta badan arrimaha ka taagan maamulka Galmudug.

War-murteeed ayaa lagu sheegay in ay muuqato dhaqdhaqaaqyada aan waxba dhisayn ee la jaan-qaadaya baaqii Madaxweyne farmaajo ee ahaa waxaan kala shaqeynaynaa Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Galmudug iyo Hirshabelle “Danta Guud”.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada federaalka ee ku sugan Galmudug aan loo adeegsan hab ka baxsan himilooyinka iyo xayn-daabka dastuurka, lagana feejignaado in ay ku milmaan xiisadaha siyaasadeed ee taagan.

Hoos ka akhrido war-murtiyeedka

  1. Cambaaraynayaa afduubka ay aragaggixisada Alshabaab u geysteen odayaasha deegaanka Galmudug, wuxuuna ku baaqayaa in mudnaanta koowaad la siiyo samatabixnta odayadaa, meelna looga soo wada jeesto la dagallanka Alshabaab.
  2. Mar kale bogaadinayaa meel-marinta heshiiskii ay gaareen Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, kaas oo ay goobjoog ka ahaayeen Dawlada Federaalka, Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleeyada iyo Xubno Beesha Caalamka ka mid ah. Goluhu wuxuu ku baaqayaa in Dawlad Goboleedka Galmudug loo madaxbanneeyo hirgelinta heshiiskaas, lagana daayo wax alla wixii caqabad ku ah fulinta heshiiskaas.
  3. Goluhu wuxuu baqdin ka qabaa in xiisadda siyaasadeed ee Galmudug ka socota ay ku qotonto, daliil cadna u tahay cabashooyinkii farahgelinta qaawan ku saabsanaa ee uu Goluhu horay ugu soo jeediyey Dawlada Federaalka ah. Waxaana muuqanaysa in dhaqdhaqaaqyada aan wax dhisayn ee socda ay ka jaan-qaadayaan baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ee uu Munaasabadddi Furitaanka Golaha Shacabka si cad ah ugu ballan-qaaday Guddoomiyeyaasha Golayaasha Baarlamaanka Galmudug iyo HirShabelle “in uu kala shaqeyn doono” wax uu Madaxweynuhu ku sheegay “Danta Guud”.
  4. Goluhu wuxuu Dawladda Federaalka ah xusuusinayaa in danta Galmudug iyo tan Soomaaliyeedba ay ku jirto midnimada shacabka Galmudug, iyo wadajirka hay’adahooda Dastuuriga ah, wuxuuna ku baaqayaa in si daahfuran loogu dul-shaqeeyo sharciyada iyo Dastuurka Dawlad Goboleedka Galmudug ay ku midoobeen
  5. Goluhu, isagoo cuskan Qodobbada 48aad & 50aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliyeed, dibna u milicsanaya Qod. 4.2 (1) ee Warmurtiyeedkii Shirweynaha 3aad ee Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed, wuxuu si adag ugu baaqayaa in degdeg loo joojiyo faraggelinta qaawan ee ay laamaha Dawladda Federaalka ahi ku hayaan Dawlad Goboleedka Galmudug, wixii khilaafaad ah ee jirana loo xalliyo qaab dastuur iyo xaajaysi ku dhisan. Goluhu wuxuu si gaar ah uga digayaa in ciidamada Federalka ah sida Xoogga Dalka iyo NSSQ (NISA) ee ku sugan Dawlad Goboleedka Galmudug, iyo ciidamada Dawlad Goboleedka Galmudug midnaba loo adeegsado hab ka baxsan himilooyinka iyo xayn-daabka dastuuriga ah ee waajibaadkooda, lagana feejignaado in ay ku milmaan xiisadaha siyaasadeed ee taagan.
  6. Goluhu wuxuu diyaar u yahay in sidii horayba u dhici jirtey, uu gacan ka geysto xallinta iyo soo af- aridda khilaafka taagan, isagoo la kaashanaaya cid alle ciddii arrintaa wanaag ku biirinaysa.

7- Ugu dambayn, Goluhu wuxuu culimada diinta, aqoonyahaniinta, waayeelka dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ku boorrinayaa in ay u indhofurraadaan jihada uu dalkani ku socdo iyo khataraha ku xeeran masiirka umaddiisa.

DHAMMAAD.

PUNTLAND POST