Dowladda Federaalka oo war ka soo saartay doorashooyinka dowlad goboleedyada

Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay doorashooyinka dowladaha xubnaha ka ah iyo khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug.

War-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalaynta iyo dib u heshiisiinta ayaa lagu sheegay in si dhow loola socdo geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka, sidoo kalana ay wasaaraddu gacan ku siin doonto dhammaan dowlad goboleedyada si loo hirgeliyo doorashooyinka kusoo fool leh oo  ay u dhacaan si daah furan, xor ah oo waafaqsanna dastuurka dalka.

Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu adkaynayso in la ixtiraamka ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta, iyadoo xaqiijin doono in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi.

Dhanka kale Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug ugu baaqay in ay soo afjaraan is afgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda, waxayna kaloo ugu baaqday in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.

Doorashooyinka madaxtinimada dowlad goboleedyada ayaa inta badan dhacaya bilaha soo socda ee 2018-2019, waxayna madaxweynayaashoodu wadaan qorshe ay rabaan in ay wakhtiga ku koror sadaan, halka dowladda federaalku rabto in ay ka takhalusto.

Hadalka Federaalka ayaa ku soo aaday iyadoo dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah uu u dhexeeyo khilaaf xoogan, sidoo kalana uu cirka ku shareeran yahay khilaafka madaxda Galmudug.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan Dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug in ay soo afjaraan is afgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqaysaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.

DHAMMAAD

PUNTLAND POST