Xubnaha Xal u raadinta Khilaafka dowlad goboleedyada iyo DFS oo Garoowe ku Wajahan

Waxaa goordhow ka amaba-baxay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho xubno ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo xal u raadinaya Khilaafaadka u dhaxeeya dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Wafdigan ayaa ku wajahan Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland halkaasi oo lagu wado in ay kula kulmaan madaxda Puntland.

Wafdigan ayaa qaban-qaabo lagu soo dhoweynayo waxaa laga dareemayaa Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Guddoonka Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa 12, bishaan September 2018 ku dhawaaqay guddiga xal u raadinta khilaafka u dhaxeeya Madaxda dowlad goboleedyada iyo DFS waxaana kamid ah xubno caan ah.

Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Faah Faahin intaa ka badan dib kala soco Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho