Xildhibaan Qarax Gaarigiisa loogu xiray Muqdisho

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qarax gaarigiisa loogu xiray Goordhow oo caawa ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay Agagaarka tiyaatarka qaranka oo ku dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

Warar ay heshay Puntland Post ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga la qarxiyay oo loo yaqaano Hi-lux uu leeyahay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Mursal Maxamuud Booroow oo gaariga la qarxiyay watay ayaa ku dhaawacmay waxaana sidoo kale halkaasi ku dhintay wadihii gaariga xildhibaanka.

Ha’aydaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa bilaabay baaritaano ku aadan qaabka qaraxa gaariga xildhibaanka loogu soo xeray.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho