Soomaaliya oo laga reebay ka qeybgalka shirka Nabadeynta Itoobiyo iyo Ereteria

Dowlada Sucuudiga ayaa wada qorshe lagu nabadeynayo wadamada dariska ah ee Itoobiya iyo Ereteria oo muddo colaad baahsan ay ka dhaxeysay.

Boqorka Sucuudiga ayaa madal lagu dhameystirayo heshiis dhowaan ay gaaraan ka fidiyay dalkiisa Sucuudiga.

Waxaa durba halkaasi goordhow oo caawa ah tagay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy iyo Isaias Afwerki Madaxweynaha Dalka Erateria.

Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in ay madaxdaasi kala saxiixdaan in ku dhow 30-sano oo colaad ay dhaxtaalay Itoobiya iyo Eretirea.

Madashaasi lagu dhameystirayo heshiiska Itoobiya iyo Eretirea ayaa waxaa lagu casuumay qaar kamid ah wadamada Afrika, warar ay heshay Puntland Post waxa ay sheegayaan in Soomaaliya aan shirkaasi lagu casuumin.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay in ay wado dadaal dib u heshiisiin ah oo ay ka dhexsameyneyso qaar kamid ah waddamada geeska Afrika oo muddo colaad dhaxtaalay.

Dhowaan Madaxweynaha Erateria ayaa markii ugu horeysay ka qeybgalay shirkii madaxda urur goboleedka IGAD ee ka dhacay Adis Ababa.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho