RW Kheyre iyo Gudoomiye Mursal oo Booqday Dhaawaca Xildhibaan Booroow

Ra’isilwasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenka Gudoomiyaha Baarlamaanka Muudeey ayaa Booqday Dhaawaca Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud Booroow oo xalay ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray.

Kheyre iyo Gudoomiye Mursal Ayaa warbixino ka dhageeystay Taqaatiirta gacanta ku heeysto Dhaawaca Xildhibaan Booroow.

Madaxda ayaa alle uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo xildhibaanka dhaawaciisana uu ka caafiyo.

Dhaawaca Xildhibaanka ayaa lagu dabeebayaa Isbitaalka Digfeer oo ay gacanta ku heeysto Dowlada Turkiga.

Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud (Booroow) ayaa kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga soo doorto Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Hoos Ka Daawo Sawirada

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho