Nin Qurbaha ka yimid oo xaaskiisii ku dilay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacday dhacdo aad looga murugooday islamarkaasina dadku ay aad u hadal hayaan.

Dhacdadaan ayaa aheyd in nin dhowaan ka yimid qurbaha uu xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Madiino Taajir uu dil u geeystay.

Dhacdadaan ayaa dhacday habeenkii jimcaha uu soo galayay 13-kii Bishaan aan ku jirno ee September.

Ninkaan ayaa dilka Xaaskiisa u adeegsaday tooreey uu dhinaca sare ee Jirkeeda dhowr Jeer kaga dhuftay.

Waxa ay wada noolaayeen wax ka yar 15- Maalmood isaga oo dhowaan ka yimid qurbaha kana soo doontay qoyska ay ka dhalatay gabadha uu dilay.

Xasan Taajir oo ah walaalka marxuumada oo la hadlay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa ka sheekeeyay dhacdaan naxdinta leh iyo sida ay u dhacday.

Hoos ka daawo Muuqaalka oo aan ka soo xiganay Idaacada Mustaqbal ee Muqdisho

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho