Golaha Wasiirada Galmudug oo looga yeeray Cadaado

Golaha Wasiirada Dowlad goboleedka Galmudug ayaa looga yeeray inay si deg deg ah ku tagaan Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, xilli khilaafka madaxda Galmudug uu sii xoogeysanayo.

Warqad ka soo baxday Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa lagu sheegay in Wasiirada Galmudug ay si deg deg ah ku tagaan magaalada Cadaado.

Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in Wasiirkii qaadan waaya amarka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ee tegi waayo cadaado lala xisaabtami doono.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post