Faroole oo sheegay in meelaha qaar dab laga shidayo

Farole oo Garowe ku soo dhoweeyay xubnaha guddigiisa

Madaxweynihii hore dowladda Puntland,ahna xubinka ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud(Faroole) oo shalay loo magacaabay,guddoomiyaha guddi uu aqalka sare u saaray,in ay xog-uruurin ka sameeyaan khilaafka  madaxda Puntland iyo Federaalka,ayaa maanta Garoowe ku soo dhoweeyay xubnaha guddigaasi oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho.

Mudane. Faroole ayaa madax u ah,guddi ka kooban 10 xubnood oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya,kana soo jeeda degaannada Puntland,kuwaasoo loo xilsaaray in ay baaritaan xog uruurin ah ka sameeyaan,tabashooyinka ay madaxda Puntland ka qabaan dowladda Federaalka Soomaaliya,si loo xalliyo khilaafka iyo is-faham la’aanta u dhexaysa labada dhinac. Sidoo kale waxaa guddiga weheliya laba xubnood oo lagu sheegay(hawl wadeenno).

Guddoomiyaha guddiga aqalka sare u magaacaabay,xog-uruurinta khilaafka Puntland iyo Federaalka, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud(faroole) oo garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhoweeyay,senator-ada ka yimid magaalada Muqdisho,ayaa sheegay in wefdigan u yimaadeen in ay baaritaan ku sameeyan waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafka Puntland iyo Federaalka.

Faroole wuxuu sheegay in ay jiraan khilaafaad kale oo aan ahayn,muranka  dhexeeya  golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhashay go’aannadii ka soo baxay shirka Kismaayo ee xiriirka loogu jaray Federaalka.

“War la qabaa xiiso ma leh,xoogaa waad ogtihiin khilaaf in uu jiro,dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka ah;golaha iskaashiga,shirkii Kismaayo 4-tii ilaa 8-dii,weesooyin baa qubtay,khilaafyo kalena waa jiraan oo maamulada qaar gudahooda ah oo maanta halkaan intaan joognay aan isla-sheeg-sheegaynnay. Mar haddii doorashooyinku soo dhowaadana hadde kuwa kale waa iska jiraan oo dab la iska shid-shido”ayuu yiri Faroole.

Ugu dambeyntii, Guddiga xubnaha aqalka sare ee Puntland loo soo diray,ayaa sida Faroole sheegay inta ay Puntland joogan u kuur-geli doona arrimaha;siyaasadda,amniga,Federaalismka iyo arrimaha bulshada,si lamid ah guddiyada kale ee loo diray dowlad goboleedyada dalka.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar