Xaflad lagu taageerayay Musharrax Xildhibaan oo Bosaso ka dhacday

Bosaso[Puntland Post]-Xaflad Ay Ku Taageerarayaan Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaanka Caluula Musharrax Xildhibaan Golaha Wakiillada Puntland 2019 Maxamed Cabdulqaadir Dhucle ayaa ka dhacday Magaalada Bosaso.

Munaasbadaan ayaa waxaa ka soo qayb galay nabadoono, cuqaal, waxgarad, ganacsato, aqoonyahano, dhalinyaro iyo haween.

Ugu horayn waxaa munaasabadda kahadlay musharrax xildhibaan golaha wakiillada Puntland 2019 Mudane Maxamed Cabdulqadir Dhucle isaga oo odayaasha iyo waxgaradka Caluula uga mahadceliyey taageerada ay siiyeen waxa uuna aad oga hadlay baahiyaha deegaanka iyo fursadaha uu haysto, sidoo kale musharrax Dhucle ayaa balan qaaday in hadii xilkaas uu ku guulaysto uu noqon doono adeege qabta shaqada wakiillada laga rabo oo ay ugu horayso in uu noqon doono adeego u adeega bulshada kana qeyb qaata xal u helida baahiyaha deegaanka qabo, kana shaqaynayo horumarinta arimaha bulshada.

Musharraxa ayaa aad ugu nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in deegaanka uu matalo qof fahmi kara baahiyaha jidha sida caafimaadka waxbarashada iyo adeegyada aasaasiga kartina u leh in uu ka raadiyo meel kata oo ay ka suura galayso sidoo kale musharraxa ayaa ku soo gabagabeeyey in codsi ay usoo jeediyeen odayaasha deegaanku uu aqbalay in xilkaas golaha wakiillada Puntland 2019 isu soo taago.

Nabadoon Cali Jaamac Saalax ayaa isna ka hadlay meesha waxa uuna sheegay in uu soo dhawaynayo musharrax golaha wakiillada Pubtland 2019 Maxamed Cabdulqadir Dhucle uu yahay shaqsiga mudan howshaas waxa uuna ku guubaabiyey dhamaan dadka dega deegaanka Caluula in markaste ay garab istaagaan dadka cidii waxgabad latimaada Musharrax Dhuclena howshaas uu ku taageersanayahay.

Nabadoon Warsame Maxamed maxamud Furgux ayaan isana soo dhaweeyey musharraxa waxa uuna dhankiisa balanqaaday in sannadkaan deegaan Caluula larabo in ay matasho cida xal u raadinkarta baahiya deegaanku uu qabo Musharrax Dhucle uuyahay shaqsiga ku haboon xal u helidda arrimahaas.

Nabadoon Axmed Maxamed Maxamuud oo ka tirsan nabadoonada deegaanka Caluula ayaa isna sheegay muddadii ay Puntland jirtay deegaanku baahiyo badan qabay haatanse loo baahanyhay cidii baahiyahaas waxkaqaban lahayd muasharrax golaha wakiillada Puntland 2019 Maxamed Cabdulqadir Dhuclena uu yahay shaqsiga ku haboon arintaas.

Ganacsade Maxamed Jamac Xaaji Cali ayaa isna ku taageeray musharraxa xildhibaan Maxamed Cabdulqadir Dhucle aadna u amaanay waxqabadkiisa dhanka waxbarashada uu muddo ka shaqaynayey waxa uu xusay sanadkaan in aqoonyahanka la gabar istaago tusaale fiican unoqonayo xildhibaanada Puntland 2019.

Sidoo kale odayaasha iyo aqoonyahankii madasha kahadlay ee taageeray musharraxa waxaa ka mid ahaa Ciise Yusuf Gurdon, Sadaq Maxaxamud, Yusuf Maxamud Shire, Fowsiyo Maxamed Calula iyo Abshir Maxamed Axmed  dhamaantood ayaa ku taageeray musharraxa xildhibaanimadda waxa ayna caddeeyeen in uu xilkaas ku garabtaaganyihiin musharraxa ay ka filayaan in uu noqdo wakiilkii sida saxda ahaa umatali lahaa deeganka Caluula.

Guud ahaan odayaasha waxgaradka Caluula ayaa taageero la garab istaagay Musharrax Xildhibaan golaha wakiillada Puntland 2019 Maxamed Cabdulqadir Dhucle.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post