Tiimbaro oo si jees-jees ah ugu jawaabay sarkaal ka tirsan jabhadda Caarre

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee dhinaca Somaliland,Maxamed Axmed Caalin(Tiimbaro) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Ceerigaabo, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray sarkaal ka tirsan jabhadda Caarre oo lagu magacaabo Jamaal Ducaale Maxamed(Baaxad).

Sarkaalkan oo xalay khadka talefonka ugu warramay qaar kamid ah warbaahinta, ayaa beeniyay warar ay faafisay saxaafadda Somaliland, oo lagu sheegay in Korneyl.Jamaal Baaxad uu heshiis nabadeed la gaaray maamulka Muuse Biixi,islamarkaana ka soo goostay jabhadda la baxday”Dib u-xoraynta Somaliland”.

Korneylka oo sida uu sheegay haatan ku sugan buuraleyda{Hal-dhaadan} oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Ceerigaabo, ayaa sheegay in uusan marnaba heshiis iyo nabad qaadaneyn,inta buu yiri”la helayo Somaliland loo simanyahay”.

Sidoo kale wuxuu ku janjabay in uu maamulka Muuse Biixi ka soo weerari doono  dhanka buuraleyda gobolka Sanaag,isagoo fulinaya amarka hoggaamiyaha jabhadda oo lagu magacaabo Siciid Cawil Jaamac(Caarre).

Haddaba guddoomiyaha gobolka Sanaag qeybta Somaliland, Maxamed Axmed Caalin(Tiimbaro) ayaa si jees-jees ah uga jawaabay hadalka ka soo yeeray sarkaalka,isagoo sheegay in uusan agtooda wax weyn ka ahayn oo ay si fudud u soo qaban karaan,balse ay isaga u tudhayaan,sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Tiimbaro ayaa ku gooddiyay in uu sharciga la tiigsan doono,qaar kamid ah warbaahinta Somaliland oo siidaysay codka laga duubay korneylka u soo hanjabay maamulka Muuse Biixi.

Jabhadda la baxday”Dib u-xoraynta Somaliland” ee fadhiisimaha ku leh qeybo kamid ah gobolka Sanaag ayaa ka kooban saraakiil sare oo ka goostay militariga Somaliland iyo malayshiya-beeleedyo ku biiray,waxaana la sheegay in ay hadda ku sii fidayso degaanno cusub oo gobolkaas ah.

Korneyl.Siciid Cawil Jaamac(Caarre) oo hoggaaminaya jabhadda ayaa todobaadkii tegay mar uu warbaahinta la hadlay wacad ku maray,in uu Somaliland ka xorayn doono maamulka Muuse Biixi Cabdi oo uu ku tilmaamay mid  ay ku bahoobeen laba reer oo keliyah.

PUNTLAND POST