Madaxweyne Xaaf oo xilka laga qaaday

47 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Galmudug ayaa maanta kulan ay Cadaado ku yeesheen ka sheegay in ay xilkii ka qaadeen madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle(Xaaf).

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay,Cali Gacal Casir oo isagana xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug ay maalin ka hor sheegeen in ay ka xayuubiyeen xilka guddoomiyaha Baarlamanka maamulkaas.

Dhinaca kale in ka badan 97 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Galmudug ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Dhuusa-mareeb,waxay mooshin kaga gudbiyeen madaxweyne ku xigeenka,Maxamed Xaashi Cabdi(Carrabeey).

Xildhibaannada ayaa mooshinka u gudbiyay,guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlaamanka Galmudug,Xareed Cali Xareed.

Khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee Galmudug ayaa sii xoogaystay tan iyo markii madaxweyne Xaaf uu wax ka saxiixay qodobadii ka soo baxay shirkii madasha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka Kismaayo.

PUNTLAND POST