Jubbaland oo gacanta u dhigtay nin xirnaa dharka dumarka

Kismaayo-Ciidamada Nabad sugida Maamulka Jubaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose waxa ay Gacanta ku dhigeen Nin xirnaa dharka dumarka.

Ninkaas ayaa Saraakiisha ciidankada Nabadsugida Jubbaland waxa ay sheegeen in uu sidoo kale la baxay Magaca Farxiyo Ok,isla markaana Guri ku yaalla Magalada Kismaayo laba habeen uu la seexday laba dumar ah sida ay hadalka u dhigeen.

“Ciidamada Nabad Sugida Jubbaland ayaa xaley Gacanta Kusoo dhigey Nin Iska Dhigey Haweeney Lana Baxay Magaca Farxiyo Okey. Ninkan Naagta Isku Ekeysiiyay ayaa Laba Habeen laseexday Guri ku yaala Xafadaha magalada kismaayo oo ay Daganayen Laba dumar ah kuwaas oo uu u sheegay In ay soo dhuntay ayna Garaneyn meel ay Tagto Baritaan kadibna waxa Gacanta ku soo dhigey Sirdonka NISA-Jubbaland ayaa lagu yiri war ka soo baxa taliska Nabadsugida Jubbaland.

Xiriir aan la sameynay Saraakiisha NISA ee Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in haatan wadaan baaritaano ku aadan waxa ku kalifay inuu dumar isku ekeysiiyo,isla markaana uu xirto dharka dumarka

Cabdiqani Boos 

Puntland Post