Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku dagaallamay Muqdisho

Ciidamo ka kala tirsan booliiska iyo militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dagaallamay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir,sida ay xaqiijiyeen dadka degaankaas.

Dagaalka labada dhinac oo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa sida wararku sheegayaan ka bilowday weerar ay booliiska gobolka Benaadir ku qaadeen,is-baaro ay ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya ay lacago baad ah kaga qaadan shacabka ku dhaqan degmada Kaxda.

Ugu yaraan laba askar oo ka tirsan militariga ayaa la xaqiijiyay in ay  ku dhinteen weerarka,halka ilaa saddex kale oo booliis ahna ku dhaawacmeen,waxaana la sheegaya in booliisku uu la wareegay is-baarada lagu dagaallamay.

Ma jirto ilaa iyo haatan dhanka dowladda cid ka hadashay dagaalkan,hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in guddoomiyaha degmada Kaxda oo lagu magacaabo Maxamed Ismaaciil uu ka dalbaday booliiska in ay weerar ku qaadan ciidamadii halkaasi is-baaradu u taallay ee ka tirsan militariaga dowladda.

Dagaallada noocan oo kale ah ayaa ku soo noq-noqda magaalada Muqdisho,iyadoo marar badan oo hore ay halkaasi ku dagaallameen ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya,qaarkoodna la sheegay in ay beelo-beelo isu waajahan.

PUNTLAND POST