Qoraal ka soo baxay aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu magacaabay ilaa shan guddi oo loo kala diray dowlad goboleedyada dalka,si ay ugu kuur galaan khilaafka iyo is-faham la’aanta u dhexaysa madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada
Guddiyadan oo mid kasta ka kooban yahay xubno ka tirsan aqalka sare oo ka soo jeeda degaanka loo diray ayaa loo igmaday in ay qiimeyn iyo xaqiiqo raadin dhab ah ka soo sameeyaan,waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafka u dhexeeya madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddiga koowaad oo loo diray degaannada Puntland ayaa guddoomiye looga dhigay,Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud(Faroole),halka guddiga labaad ee loo diray dhinaca Galmudug uu hoggaaminayo Cabdi Xassan Cawaale(Qeyb-diid).
Saddexda guddi ee kale oo loo diray Hirshabeelle,Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa waxaa kala hoggaaminaya; Maxamed Xuseen Raage(Hirshabeelle),Cabdullaahi Cabdi Garuun(Koonfur Galbeed )iyo Axmed Xaashi Maxamuud(Jubaland).
Halkaan ka akhriso guddiyada la magacaabay
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.