Kadib weerar waabarigii saakay kooxda Al-shabaab ku soo qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayey soo bandhigeen Agab ciidan oo ay sheegeen in ay ka furteen Dowladda Soomaaliya.
Sawiro ay goordhow baahiyeen Al-shabaab ayey ku sheegeen in ay soo furteen hub iyo Agab malatari.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa baahiyay meydka Nlnin ay ku sheegeen in uu yahay Gaashaanle sare oo ka tirsan ciidamada Dowladda oo ay dagaalkii saakay Afgooye ka dhacay ay ku dileen.
Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay halka ay ku soo bandhigayeen Al-Shabaab saanadaasi Ciidan.
Afgooye ayaa dhanka koonfur waxa ay Muqdisho ugu beegantahay 30-KM waxaana ku soo laab laabtay dagaalada iyo weerarada ay Al-Shabaab ku soo qaadaan.
Hoos ka Daawo Sawirada
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
You must be logged in to post a comment.